Shariif Xasan: 1 nooc oo doorasho unbaa rabaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku baaqay in xildhibaanka 2016 lagu soo xulo nidaam beeleedka 4.5, isaga oo ka digay in wax lagu qeybiyo qaabka degmooyinka.

Waxa uu sheegay in nidaamka 4.5 uu yahay mid kaliya ee xilligaan la joogo Soomaalida wax ku qeybsan karto, waxaana uu sheegay in qaabka degmada dhibaato badan ay ka imaan karto.

Shariif Xasan ayaa sheegay in nidaam beeleedkani muddo badan lagu soo dhaqmayay dowlado badanna lagu soo dhisay, Soomaalidana hadda isku fahmi karto, balse hadii nidaamkaasi laga gudbo laga yaabo inay imaato dood ah in dad laga tagay ama wax la mid ah.

“Waxaan aaminsanahay jidka maanta aan ku soconno in uu noo wanaagsan yahay, dadka ayaa ku heshiiyay, dowlado badan baa lagu dhisay, laakiinse hadii xisaabaad kale dadka la geliyo dhibaato kale baa imaan karta, waxa hadda lagu siman yahay waa baarlamaanka, saraakiisha, safaaradaha iyo shaqooyinka kale laguma sinna, laakiinse intii lagu sinnaa hadii la dhaho si kale baa loo qeybinayaa waxa ka imaan kara waad ogtihiin” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Degmooyinka hadii la dhaho waxaan ogahay in dad hadda baarlamaanka ku jira oo aan hadhow wax heli doonin baa dhacaya, bal ka waran qof hadda xildhibaan ah, hadii la dhaho waxbo meesha kuma lehdiin” ayuu hadalkiisa raaciyay Shariif Xasan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shirka madasha wadatashiga qaran ee geeddi socodka doorashada 2016-ka, kaasi oo Laba maalin socon doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com