Xog: Xasan oo la kulmaya madaxda maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa maanta kulan gaar ah la qaadan doona madaxda maamul goboleedyada dalka, waxaana aan loo yeerin bahda warbaahinta oo maalmahaan goobjoog ka ahaa shirarka ka dhacayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Kulanka maanta ay yeelanayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka duwan shirarkii ka dhacayay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay masuuliyiinta.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys, ayaa shaaciyay in shirkaasi madaxda ay kaga arinsan doonaan arimaha doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya oo ay ku wada kala aragti duwan yihiin qaarkood mooyaane.

Daa’uud Aweys wuxuu sheegay in shirkaasi uu si gaar ah u dhexmari doono madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, Shariif Xasan Sheikh, C/welli Maxamed Cali, Axmed Madoobe iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxay la filayaa iney isku soo dhawaadaan oo ay isku raacaan fikrad ay ka mideysan yihiin, ka hor shirka bisha February ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed ayaa shalay hadalo kulkul isku dhaafsaday shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana muuqaneyso iney sii kala aragti duwanaanayaan madaxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com