Xog: Xildhibaanada Beesha Ogaadeen iyo Shariif Xasan Sh. oo ay ka dhex tafan tahay + Sababta.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ka dhacay magaalada muqdisho ee Caasimada Somalia oo u dhexeeyay Xildhibaanada Beesha Ogaaden ayaa waxaa looga soo horjeestay dhismaha Baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid u dhexeeyay Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Ogaaden kaasi oo lagu sheegay in Shariif Xassan uu ku afduubtay Baarlamaanka islamarkaana tirada hadda la dhaariyay ay yihiin kuwo ku imaaday rabitaanka Shariif Xassan.

Xildhibaanada kulanka ka qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Cabdi-wahaab iyo wasiirkii hore ee maaliyada Xusein Cabdi Xalane.

Xildhibaan Cabdi-wahaab oo ku hormaray hadalka ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan uu awooda maamulka isaga isku soo koobay waxa uuna sheegay in Baarlamaankaasi laga soomiyay Beelo farabadan.

Cabdi-wahaab waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu dhisay shariif Xassan aysan ku qanacsaneyn shacabka ku nool Gobolka Bakool, waxa uuna sheegay in Baarlamaankaasi uu yahay mid u shaqeyn doona Shariif Xassan oo kaliya.

Cabdi-wahaab waxa uu sidoo kale sheegay in Shariif Xassan uu afduub ku heysto shacabka ku hoos nool maamulkiisa, waxa uuna ka digay in Baarlamaanka Koonfur galbeed uu noqdo mid u gaar ah Shariif Xassan.

Xusein Cabdi Xalane ayaa sidoo kale sheegay in Shariif Xassan uu ku tuntay sharciga maamulka islamarkaana uu nidaamka maamulka ka dhigay la jiifshaa banaan la joojiyaa banaan.

Xusein Cabdi Xalane waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in Shariif Xassan uu ka dhaga adeegay tallooyin ay siiyeen balse ay ku kala bixi doonaan sharciga.

Xildhibaanadaani ayaa kulanka ka sheegay in Beesha Ogaaden aysan aqoonsanaan doonin Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa ayna sheegen inay ka fiirsan doonaan.

Docda kale, Xildhibaanada ayaa ku goodiyay in jawaabo deg deg ah ka bixin doonaan diidmada uu shariif Xassan diiday go’aanka Xildhibaanada Ogaaden iyo kan shacabka ku nool Gobolka Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com