Madaafiic ku socota garoonka AADAN CADDE.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray dhanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Caawa halkaasi laga maqlaayo rasaas xoogan.

Rasaasta ayaa waxa ay barbar soctaa Madaafiic ku dhaceysa qeybo kamid ah Garoonka, xili halkaasi ay deegaan ku yihiin madax isugu jirta Somali iyo cadaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa hadda ku qulqulaaya garoonka waxaana Hubka culus garoonka ka dhex ridaaya Ciidamada AMISOM.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hubkaasi lagu weeraraayo doon dhex heehaabeyso Badda oo madaafiic kusoo garaacday Garoonka waxa ayna ciidamo u jawaabayaan doontaasi.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ammaankeeda gacanta ku haya Ciidamada AMISOM, iyadoo saldhig weyn ku leeyihiin Xerada Xalane oo xeyndaabka garoonka ka tirsan.

DFS wali kama aysan hadal Madaafiicdaasi, inkastoo Saraakiisha qaar ay sheegayaan in Hubkaasi laga soo ridaayo meelo fog fog.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com