XASAN oo ka hadlay nooca doorashada 2016-ka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay shirka Madasha ee wadatashiga ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaabka looga baxayo xaalada kala guurka ay iyo doorashada dalka ka dhaceysa sida lagu gaari karo, isagoo ay khudbadiisa ka muuqatay in khilaafaad badan ay hareeyeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay inaan loo baahneyn in laga cabsado meesha loo socdo, ayna haboon tahay in mar waliba wixii hore loo arkay laga gudbo oo meel ka fiican loo gudbo, laakiin wuxuu qiray in wadatashiyo badan oo ay yeesheen madaxda dowlada iyo maamulada dalka aan wax go’aan ah lagu gaarin.

“Waxa la qaadanaa meeshii inta badan isku raacdo” ayu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday inuu ka hadlay heshiis hoose in laga gaari waayay qaabka doorasho oo laba loogu kala qeybsan yahay.

Dhageyso codka madaxweynaha

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/12/Hassan-Sheikh.mp3″]