Shariif Xasan & Gaas oo hadallo kulul isku dhex weydaarsaday shirka madasha ee MUQDISHO..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo laga helaayo shirkii wada tashiga qaran ee looga arinsanayay nooca ay noqon doonto doorashada ee maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in shirkaasi uu ka dhashay ismaan dhaaf u dhexeeyay madaxda maamulada dalka.

Madasha shirka ayaa waxaa ka hadlay dhamaan madaxda DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada, xubnaha ka joogay Beesha caalamka iyo wakiilka Midowga Afrika.

Inta uu shirka socday ayaa waxaa la soo warinayaa in C/wali Gaas uu ku qeyla dhaamiyay in Somalia aysan u dulqaadan doonin nidaamka 4.5 waxa uuna cod dheer ku sheegay inay isaga bixi doonaan fadhiga waa haddii madashu tahay mid lagu maamulaayo rabitaanka DF.

Xiisada ugu badan ee shirka ayaa ka dhalatay Khudbooyinka ay jeediyeen C/wali Gaas iyo Shariif Xassan oo madasha dhexdeeda isugu jawaabay.

Cabdiweli Gaas ayaa khudbadiisa ku sheegay in shirkii Garoowe isaga iyo Shariif Xasan kamid ahaayeen madaxdii saxiixday heshiiskaasna uu dhigayay in sanadka 2016 aan dib loogu noqon doonin nidaamka 4.5 sidaas darteedna ay Puntland doonayso in xildhibaanada lagu soo xulo qaab deegaan.

Waxa uu sheegay in Puntland ay ku doodeyso wax sharci ah, islamarkaana ay u baahan tahay in wax waliba loo hirgaliyo qaabkii horay loogu heshiiyay.

Puntland ayuu sheegay in marnaba aysan ka tanaazuli doonin saxiixyadii ay horay u gashay, waxa uuna cadeeyay in gogosha aysan u imaan in wax laga bedelo arrintaasi.

Sidoo kale, Shariif Xasan oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa sheegay inay run tahay in heshiiskaas wax ka saxiixay balse waxa uu tilmaamay aan la qabanin sida dhismaha aqalka golaha sare.

Shariif Xasan oo hadalkiisa sii watay ayaa isna ku qeyla dhaamiyay in Koonfur galbeed ay ka digeyso in nidaam deegaan wax lagu soo xulo.

Shariif Xasan wuxuu sheegay in shirka maanta loo fadhiyo uu yahay Garowe hal.

Inta khudbadaha labadaani madaxweyne ay soctay ayaa waxaa mar qura isbedelay madasha shirka waxa ayna goobjoogayaal soo sheegayaan in shirka badankiisa uu ahaa mid lagu kala celinaayay madaxda Gobolada dalka.

Dhanka kale, shirka ayaa u muuqaal ekaa mid ay ku kala safteen madaxda dalka iyo kuwa Gobolada waxaana hal dhan xigay Jubbaland iyo Puntland, halka DFS, Galmudug iyo Koonfur galbeedna ay dhinac xigeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com