DHAGEYSO: Gobollo cusub oo laga cabsi qabo inay Somalia ka go’aan, go’aanka madasha kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sharci darro ku tilmaamay Madasha Wadatashiga Qaran ee ay ka mid yihiin madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulada dalka ka jira oo loo dhisay sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa xaalada kala guurka ah.

Daahir Amiin Jeesow, ayaa shaaca ka qaaday in gobollo badan ay Soomaaliya ka go’i doonaan, sababo la xiriira go’aannada guracan ee madasha darteed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madashaasi aanay jirin Cid ku  metesha 9 Gobol oo dalka Soomaaliya ka mida, wuxuuna intaas ku daray in 9-kaas gobol aayahooda u afduuban yahay.

Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada BF ayaa sheegay in isaga iyo Xildhibaano farabadan ay ka soo horjeedan qaabka loo wado Shirarka wadatashiga ah ee ka socda dalka.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in shirkaasi looga talaabay nidaamka Federaaliisimka islamarkaana uu yahay mid ku kooban beelo gaar ah.

Jeesow waxa uu sheegay in shirarka wadatashiga ee ka socda magaalada Muqdisho aan laga soo qeybgalin Beelaha iyo maamulada qaar waxa uuna sheegay in wixii kasoo baxa aysan u hogaansami doonin.

Jeesow waxa uu intaa ku daray in Gobolada Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sool, Sanaag, Hiiraan, Sh/Dhexe, Banaadir iyo Jubbada dhexe aysan jirin cid ku mataleysa shirarka wadatashiga ee nooca doorashada 2016ka ka dhaceysa Somalia, waxa uuna DFS ugu baaqay inay cadeyso sababta ka danbeysay in laga talaabo xuquuqda Beelaha dega Goboladaasi.

Isaga oo la hadlaayay Saxaafada ayaa waxa uu yiri ”Madaxda dalka waxa ay ka talaabeen balantii aheyd wadatashiga aayaha Somalia, waxaa meesha ka maqan beelo badan oo u baahan in lala tashto, waxaan madaxda ugu baaqayaa inay ka fiirsadaan shirarka hadda ka socda dalka ee looga hadlayo arrimaha Somalia iyo doorashooyinka”

”Suuragal maaha in laga tashto beelaha halkaasi ku nool, goortii la rabana lagu tashto waxaan ku talinayaa in laga fiirsado cawaaqibta ka dhalankarta waayo iima muuqato natiijo laga gaaro shirka marba haddii gogosha ay ka maqan yihiin maamulada aan kor kusoo xusay”

 

Halkan ka dhageyso Jeesow