Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan oo sheegtay haddal ka careysiinaya SOMALILAND kuna dhiiratay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha Dibadda Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan BFS Fowsiyo Yuusuf Xaaji , ayaa ka hadashay xiriir xumida iminka u dhexeysa DFS iyo maamulka Somaliland.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo la hadleysay mid kamid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in Somalia ay ka gudubtay waayihii kala qeybsanaanta waxa ayna sheegtay in Somalia ay caalamka u tahay hal wadan, balse ay jiraan Kooxo gooni isku faquuqaya si ay uga go’aan Somalia inteeda kale.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji waxa ay sheegtay in isku imaanshiyaha Somaliweyn ay tahay mid ku xiran dardar galinta shirarka iminka u dhexeeya DFS iyo maamulka Somaliland, waxa ayna farta ku goday in shirarkaasi uu wali yahay mid halkiisii taagan oo aan burburin.

Xildhibaan Fowsiyo waxa ay tilmaantay in ergooyinka labada dhinac matalaayay aysan si wanaagsan u wada hadlin wakhti lagu wada hadli karana aysan qaadan, taasina ay ugu wacan tahay Fashilkii horay ugu dhacay shirarkii ka dhacay magaalooyinka Ankara iyo Jabuuti.

Waxa ay sheegtay in ay hubto in Somaliweyn ay soo laaban doonto, bacdamaa labada shacab ay biseyl gaaren, sida ay hadalka u dhigtay.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji waxa ay sidoo kale sheegtay in Somaliland ay dooneyso in qudheeda ay la midowdo walaalaheeda Somalia, balse ay jiraan mugdiyo yar yar oo u baahan in DFS ay turxanbixiso, si looga gudbo Khilaafka yar.

Haddalka Fowsiyo Yuusuf Xaaji ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan madaxda maamulka Somaliland ay sheegen in Dowlada Turkiga ay u jari doonaan xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya kadib markii ay ku eedeeyen in si cad ay ula safatay DFS.

Dhanka kale, Dowlada Turkiga oo ka jawaabeysay hadalka Somaliland ayaa iyana iska fogeysay eedeeynta ay u jeedisay Somaliland, waxa ayna sheegen in ujeedkooda uu yahay in Somalia ay dib u midowdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com