Jabuutiyaan lagu dilay magaalada Beledweyne!!

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo beeleed saaka dib kaga bilowday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo u dhaxeeyo maleeshiyaad wada daga xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Maleeshiyaadka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay isku hor fadhiyay magaalada ayaa dagaalkooda uu saaka bilowday markii mid kamid ah beelaha dagaalamay ay rasaas ku weeraray gaadiid marayay xaafada Howlwadaag ee magaalada.

Wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Jabuuti uu ku dhintay dagaalka maanta kadib markii ay isku dayeen iney ciidamada dagaalamaya kala dhex galaan rasaas xoogan oo dhaceyso.

Sidoo kale askari kale ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray, laakiin lama oga qasaaraha kale ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dadka deegaanka.

Xiisad dagaal ayaa wali ka taagan magaalada Beledweyne, laakiin waxaa haatan yaraaday rasaastii xooganeyd ee ka dhaceysay magaalada, wallow labada dhinac wali magaalada ay isku hor fadhiyaan, iyadoo laga baqayo dagaalo kale oo magaalada ka dhaca.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com