Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo goordhow naga soo gaaray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Garoonka ay gacanta ku dhigeen Boorsooyin ay ku jireen lacago dollar ah.
Lacaga ay Ciidamada gacanta ku dhigeen ayaa cadadkeeda lagu sheegay 3 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.
Lacagaha ay ciidamada gacanta ku dhigeen ayaa la xaqiijiyay inay kusii Jeeday magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug.
Lacagahaani ayaa sidoo kale la sheegay inay laheyd Xawaalada Dahabshiil, waxaana lasoo warinayaa in loo waday xarunta Xawaalada ee magaalada Cadaado.
Xubnihii lagu qabtay lacagta ayaa sheegay in xarunta ay Xawaalada ku leedahay Cadaado laga waayay lacagaha dollarka ah maadaama halkaasi ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ay Shirkada lacago ka taal.
Ciidamada amaanka ayaa baaritaano wakhti qaatay kadib fasaxay lacagya, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka Garoonka Aadan Cadde.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada kuwaasi oo xusul duub ugu jira sida ay uga mid noqon lahaayen Baarlamaanka cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

