Boosaaso – Muqdisho – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Saddex iyo Tobnaad

Muqdisho (Caasimada Online)-Boosaaso markii ay howlaheenni nooga dhammaadeen ayaan ka shiraacannay oo mar kale aan soo marnay waddada dheer. Qaddar aan ku hakannay Qardho ka dib waxaan toos u tagnay Garowe.  Habeen markii aan hoyannay waan ka soo gudubnay.

Cadaado ayaan u istaagnay in aan shidaal ka qaadanno, kaalin shidaal oo nadiif badan oo aan u maleynayo in ay markaa cusbayd.

Oday keligii joogay ayaan shidaalkii ka iibsannay.  Intii gaariga uu ku shubayay shidaalka ayaan odaga iskala sheekeystay oo aan magaciisa weydiiyay.  Adan ayuu ku soo koobay.  Waxaan weydiiyay wiilal uu dhalay oo Xamar jooga in ay jiraan?  Haa mid baa dhigta Jaamacadda, ayuu ka billaabay.  Qaarka kale inta aanuu sheegin ayaan weydiiyay magaca wiilkiisa Jaamacadda dhigta.  Wuu ii sheegay.  Markaas ayaan odaga weydiiyay oo aan ku iri adigu ma Adan hebel ayaad tahay?  Wuu ila yaabay!

Ka dib waxaan u sheegay in wiilkiisa aan saaxiib nahay.

Qofka keliya ee aan Cadaado wadahadalnay ayuu ahaa, wuxuuna noqday saaxiibkeey Aabbihiis oo aanan weligeyba hore isu weydiin in uu nool yahay iyo magaalada uu deggan yahay ama waxa uu ka shaqeeyo.

Waxaan maalintaas safarkeenna ku hakinnay Beled Weyne oo aan habeen ku hoyannay.  Markaan aniga oo og wixii socodkii hore iga qabsaday, waan ka baaqsaday Hotel.   Waxaan jiif ka helay xarunta Italian Medical team.

Maalintii xigtay ayaan subaxnimadii ka soo baxnay Beled Weyne waxaanan ku soo laabannay Muqdisho goor galab ah.

Ilaaheey mahaddiis intaa aan soconnay Muqdisho ilaa Boorama, Borama ilaa Garowe iyo Boosaaso, Boosaaso ilaa Muqdisho baabuurka wax cillad ahi nagama gelin.  Marka laga reebo in shidaal, saliid iyo biyo aan ku shubnay, xataa hal taayar lagama beddelin.

Wuxuu ahaa safar guul noogu dhammaaday.

Xarig

Laakiin warka aan Muqdisho ugu nimid wuxuu ahaa in Cali oo aan Hargeysa u xilsaarany in uu waraaqaha ku goobo qoysaska ay u socdaan xabsiga la dhigay.

Ma ahayn marka keliya ee Cali ay ciidammada amnigu ay xireen. Marna wakhti gaaban ka dib ayay iskood u soo daayeen.  Marna waxay kalliftay in aan la xiriiro Madaxa Radio Hargeysa, Xasan – Kuuriya, si uu General Morgan u wargeliyo.  Tabtaas ayaan Cali xabsiga uga soo deynay.

Waxaa billowday in annaga oo la kaashaneyna Ururka Bisha Case e Soomaaliyeed xarumihiisa Gobollada, iyo hey’ado kale oo badan in aan jawaabo ka helno wakiillada aan Gobollada u xilsaarnay in ay goobaan qoysaska Maxaabbiista.

Wakiillada qaar waxay ahaayeen dad ay ICRC shaqo gelisay, qaarna waxay ahaayeen dad Dowladda u shaqeeya oo si samafal ah uga qeyb qaadanaya howsha.

Safar Kale

Safarkii marka aan maalmo yar ka nasannay, Beatrix iyo anigu waxaan isu diyaarinnay safar kale oo aan ugu baxayeno Wanla Weyn, Buur Hakaba, Baydhaba, Luuq, Garba-Haarreey, Buur Dhuubo iyo Qansax Dheere.

Markan waxaa socdaalka nagu wehlisa Kornelia oo u timid in ay shaqada ka beddesho Beatrix oo loo beddelay Lima, dalka Peru.

W/Q. Yuusuf Garaad