Sawirro: Ciidamada mariiniska badda Soomaaliya oo Jabuuti kusoo bandhigay dhoolatus cajiib ah

Jabuuti (Caasimada Online)- Ciidamada mariiniska badda ee Soomaaliya ayaa ka qey qeybgalay dhoolatus ay wadajir u sameeyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Jabuuti.

Dhooaltuskaan oo taliska Mareykanka ee Jabuuti soo qaban qaabiyay ayaa loo qabtay dalalka xeebta badweynta India dhaca.

Ciidamada mariiniska Somalia ayaa kusoo bandhigay ciyaarsiis iyo khubradooda, iyadoo ay goob joog ahaayeen ciidamo ka socda dalalka midowga Yurub.

Somalia ayaa leh xeebta ugu dheer Afrika, hase ahaatee waxaa xeebaheeda ku sugan ciidamo ajnabi ah oo burcad badeeda ka ilaaliya.