Sawirro: Taliyaha cusub ee NISA oo xilka kala wareegay Taliyihii hore

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta xilka la wareegay Taliyaha cusub Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen ee dhawaan la magacaabay.

Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa xilka la wareegay kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta, oo ay goobjoog ka ahaayen mas’uuliyiin badan.

Xuseen Cusmaan Xuseen, ayaa xilka kala wareegay ninka lagu magacaabo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo si KMG ah usii hayay xiika muddo ku dhaw Afar bilood.

Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiir kuxigeenka iyo Saraakiil ayaa ka qeyb galay munaasabadda kooban ee xil wareejinta.

Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa balan qaaday inuu la imaan doono hufnaan shaqo oo ku saleysan ad adeeg iyo isbedel la taaban karo.