Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen Muxidiin Axmed Muuse oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Boosaaso ayaa ka deyriyay kororka dhalinyarada adeegsata Khamri.
Taliyaha ayaa sheegay in magaalada ay ku bateen dhalinyarada isticmaala Khamriga, waxaana uu ka digay in arintaasi ay hais weyn ku noqon karto amaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada ay ku badanayaan meelaha lagu iibiyo, isaga oo cadeeyay inay kaga yimaadaan deegaano dhowr ah, waxaana uu ku wargeliyay laamaha amaanka inay ku dadaalaan sidii falalkaasi looga hortagi lahaa.
Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Khamri badan laga gudbiyo dhanka koontaroolada magaalada Boosaaso, iyadoo loo qaado baadiyaha, isaga oo ku tilmaamay sida Caanaha oo kale inay magaalada ka noqotay KHAMRIGA oo meelo badan laga heli karo.
Generaal Muxudiin ayaa intaa ku daray Askarigii soo qabto ruux khamri dalacsiin iyo amaal marin la isku daridoono, maadaaba cabista khamradu ku badatay deegaanada Maamulka Puntland gaarahaan Gobolka Bari, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayuu ka sheegay goob fagaare ah oo lagu gubayeey khamri ay ciidanka Amaanka kasoo qabteen Guddaha Magaaladda Boosaaso, waxaana uu digniin u jeediyay dadka ka ganacsatada Khamrada.
Ciidanka Amaanka Puntland ee Gobolka Bari ayaa mudooyinkaan dambe Howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ka waday Magaalada Boosaaso oo ay horay ugu dheceen dilal qorshaysan loo la eegtay ganacsato iyo masuuliyiinta laamaha amaanka Boosaaso.
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

