Dowlad aan la fileyn oo ay soo baxday in afgambigii Morsi ay ka dambeysay

Qaahira (Caasimada Online) – Israel ayaa ka shaqeysay in sanadii 2013 la afgambiyo madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loo doorto ee dalka Masar, Maxamed Morsi, waxaa sidaas shaaca ka qaaday Jeneral Israeli ah oo lgu amagacaabo Aryeh Eldad.

Jeneraalka ayaa wargeyska Maariv ee Israel ku qoray in kacdoonkii January ee dalka Masar  uu kusoo aaday ayada oo Isarel ay ogaatay in Morsi oo markaas un la doortay uu qorsheynayey inuu ka baxo heshii amni oo u dhaxeeya Israel iyo Masar, islamarkaana ciidamada Masar uu u diro Jasiirad u yaalka Siinaay.

“Marka ay xaaladda sidaas mareysay, Israel waxay u fal-celisay si deg deg ah oo ay adeegsatay xeeladeeda diblomaasiyeed si ay xukunka Masar ugu gacan geliso Abdel Fattah Al-Sisi, ugana dhaadhiciso maamulkii Mareykanka ee madaxweyne Obama inuusan ka hor-iman” ayuu qoray Jeneral Aryeh Eldad.

Eldad ayaa qoray, in si ka baxsan wixii ay Israel filaysay, uu heshiiska Camp David ee Masar iyo Israel oo 40 sano jirsada, uu sanado badan dhaqan-galay, inkasta oo Masar iyo Israel aysan haysan nabad rasmi ah oo u dhaxeysa.

Ka-hor qoraalka Aryah Eldad, lagama war-hayn in Israel ay kaalin ku lahayd afgambigii madaxweyne Morsi, oo si la mid Israel ay sidoo kale halis u arkeen dhammaan dalalka reer galbeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com