Boqor Salman oo Trump u diray warqad niyad jab ah iyo Sacuudiga oo isbedelay

Qudus (Caasimada Online) – Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa shaaca ka qaaday in boqorka Sacuudiga Salman bin Cabdulcaziz uu aqalka cad ee Marekanka u diray warqad uu ku diidan yahay qorshaha madaxweyne Trump ee nabadda bariga dhexe.

Wargeyska ayaa yiri “Sacuudiga waxay maamulka Trump ku wargeliyeen inaysan taageeri doonin qorshaha nabadda Israel iyo Falastiin ee loogu magac data ‘Heshiiska Qarniga’, haddii aan lagu xusin in Bariga Qudus ay tahay caasimadda Falastiin”

Diblomaasiyiin la hadlay wargeyska ayaa sheegay in boqor Salman uu xaqiijiyey mowqifkiisa taageero ee Falastiin iyo qorshihii carabta ee 2002, kaasi oo dhigayey sameynta dal Falastiin oo ku salaysan xuduuddii 1967-kii, caasimadiisana ay tahay Bariga Qudus.

Wargeyska wuxuu sidoo kale qoray in boqor Salman uu dhowr goor taleefon kula hadlay saraakiisha Mareykanka iyo maamulka Falastiin, si uu u xaqiijyo mowqifkiisa.

Boqor Salman ayaa sidoo kale 80 milyan oo dollar siiyey maamulka Falastiin, si uu buuxiyo booskii ay beeneeyeen Mareykanka, oo lacagtii caawimadda ka jaray Falastiiniyiinta.

Wargeyska ayaa qoray in go’aanka Sacuudiga ay ku beddeleen mowqifkooda xilli ay markii hore taageersanaayeen qorshaha Mareykanka uu yimid, kadib markii Trump uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com