Britain oo go’aan cad ka qaadatay xasuuqa ba’an ee muslimiinta Rohingya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Britain Theresa May oo khudbad xasaasi ah ka jeedisay shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegtay inay hakisay howlihii Militery oo ay kawadeen dalka Myanmar.

Theresa May, waxa ay sheegtay in ciidamada Myanmar ay geysanayaan xasuuq bareer cad oo ay kula kacayaan dadka muslimka ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sheegtay in Britain inay qireyso in halkaa uu ka socdo xasuuq ka baxsan bini’aadanimada, waxa ayna carab dhabtay in Muslimiinta Rohingya ay heli doonaan cadaalad.

Nuqul kamid ah haddalka Ra’isul wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa ahaa ”Waxaan aad uga walaacsanahay waxa ku dhacaya dadka Rohingya. weerarka militari ee lagu hayo waa in la joojiyaa. dad badan oo tabaalaysan ayaa naftooda la qaxay, waa in hogaamiyaha dadban ee Myanmar Aung San Suu Kyi iyo dowlada Myanmar ay joojiyaan howlgalka militari,”

Theresa May waxa ay intaa raacisay ”Wixii intaa ka danbeeya waxaan dib ula laabanay kalsoonidii militery ee aan siin jirnay dowlada Myanmar”

Waxa ay intaa kusii dartay ”Waxaan khaladka ugu weyn siin doonaa wadankii Myanmar ku taageera xasuuqa, haddii aan wax laga qaban waxaan ku khasbanaaneynaa inaan qeyb ka noqono dhaqdhaqaaqa Militery”

Waxa ay Theresa May shaacisay in Britain ay joojisay mucaawinadii militari ee ay siin jirtay dowlada Myanmar ilaa iyo inta dowladaas ka joojinayso howlgalka militari ee ka dhanka ah dadka Rohingya.

Geesta kale, Dowlada UK ayaa sanadkii lasoo dhaafay mucawino militari oo dhan 412000 oo dollar ugu deeqday dowlada Myanmar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com