Britain oo kala caddeysay inay baasabor Soomaaliga aqoonsan tahay iyo in kale

London (Caasimada Online) – Dawladda Britain ayaa sheegtay inaanay wakhtigan aqoonsanayn in dalkeeda lagu galo Baasaboorka dalka Soomaaliya.

Caroline Nokes, oo ah Wasiirka socdaalka ee Ingiriiska oo toddobaadkan dhammaaday su’aalo lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxa la weydiyay su’aal ahayd sababta ay dawladda UK dadka Soomaaliya ugu ogolaan weyday inay Baasaaboorka Soomaaliya ku tagaan Ingiriiska.

Caroline, waxay sheegtay inaanu Ingiriisku wakhti xaadirkan aqoonsanayn Baasaaboor Soomaaliga, waxaanay ku jawaabtay wasiiradu “Ingiriisku hadda ma aqoonsana in Baasaaboorka Soomaaliya loogu socdaalo dalka Ingiriiska. Hase yeeshee, waxaanu dejinay talaabooyin lagu hubinayo in dadka sita Baasaaboorka Soomaaliga ee leh degenaanshaha sharciga ah ee  isha bu’da laga sawiro  ee UK in loo ogolyahay inay ku soo laabtaan Ingiriiska.”

Waxay wasiiradu sheegtay inay qorshahan ku wargeliyeen diyaaradaha iyo maraakiibta ay dadku raacaan, “Waxaanan ku wargelinayn duulimaadyada caalamiga ah hab macaamilkan, waxaanan la wadaagnay xogtan wakiilada bulshada Soomaalida.” Ayay tidhi.

Caasimada Online
Xafiiska London 
Caasimada@live.com