XOG: Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo iibsaday kursi ka tirsan BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan ayaa la sheegay inuu iibsaday kursiga uu iska casilay Ex-xildhibaan Daahir Cali Faarax oo ay ka soo wada jeedaan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay inuu jiro qorshaha uu wasiir Jamaal kursiga ku imaanayo isaga oo intaasi raaciyey inay sidoo kale jiraan wasiirro kale oo raadinaya inay kuraas ka iibsadaan xildhibaannada golaha shacabka. Xildhibaankii is-casilay ee Daahir Cali Faarax  waxaa uu noqday qunsul ka noqday dalka Djibouti.

Xiriir aan la sameynay uddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka nooma suuro-gelin inaan helno wax jawaab ah, guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa waxaa ay ku jirtaa imtixaan adag, oo haddii ay ka gudbi weyso imtixaanka kuraastan la buuxiyo, waxaa adag inay dadka Soomaaliyeed iyo axsaabta dalka aaminaan doorashada 2020-ka.

Dhinaca kale, waxaan la xiriirnay Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan laakin kama helin wax jawaab ah.

Xukuumadda Xasan Kheyre oo hadda golaha shacabka ugu jiraan ilaa 50 wasiir ayaa ku talo jirta inay hesho tiro fiican oo ay uga bad-baadi karto mooshin.

Khamiistii, guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa  ku dhawaaqay boos buuxinta kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka oo deegaan doorashadiisa tahay Puntland.

Kursigan uu 6-dii bishan September iska casilay Xildhibaan Daahir Cali Faarax, waxaa la faray odayaasha dhaqanka ee ku jiray 135-ta  inay keenaan 51 ergo doorasho, muddo 7 cesho ah oo ka bilaabaneysa 22-ka bishan.

Murashaxiinta ayaa sidoo kale lagu war-geliyey inay araajidad keensadaan inta u dhaxeysa 22-ka bushan ilaa 29-ka.

Waa Kuma Amb. Jamaal Maxamed Xasan:

Amb. Jamaal Maxamed Xasan:, Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, waxaa uu ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, Waxaa shakhsi 3 sano ku jira siyaasadda, tan iyo intii loo magacaabay jagadan wasiirrnimo March 21, 2017 waxaa uu ka mid ahaa gacan yarayaasha ugu dhow ra’isul wasaare Kheyre.

Mr. Jamaal waxaa uu heystaa dhalashada Canada, isla dalkaas ayuu wax ku soo bartay, waxaa uu sidoo kale xiriirka caalamiga ah ka dhigtay jaamacadda Moi ee dalka Kenya.

Amb. Jamaal Maxamed Xasan:  shaqooyinkiisa waxaa ka mid ahaa in uu la taliye safaaradda Mareykanka ee Naibobi uga ahaa arrimaha Soomaaliya, waxaa uu noqday Aug 6, 2015-tii safiirka Soomaaliya ee Kenya isaga oo badalay Maxamed Nuur Americo, hadda waa Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, wuxuuna iibsanayaa kursi golaha shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com