Video: Wiilka iyo gabadha guurkooda dartiis ninka loo gubay oo hadlay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay maalmo ka hor dil fool xun oo loo geystay nin shaqeynayey Garaash ku yaalla degmada Yaaqshiid oo nolosha lagu gubay ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen lix qof oo isugu jiray rag iyo dumar.

Marxuumka oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa loo dilay sababo la xiriira wiil uu adeer u yahay oo guursaday gabar ka dhalatay mid ka mid ah beelaha dega Muqdisho.

Nuur Maki Muunye oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa sheegay in arrintu ay ka dhalatay guur dhex maray wiil ka soo jeeda reerahooda oo ay ilmo adeer ahaayeen marxuumka, iyo gabar u dhalatay beel ka mid ah beelaha hubaysan ee Muqdisho dega.

“Odayaal ayaa isaga yimid arrinta oo ka wada xaalay, sidaa darteedna waxay go’aan isla gaareen reerka ay gabadhu ka dhalatay, hase yeeshee gabadha hooyadeed iyo abtiyaasheed ayaa ka biyo diiday, kuwaasoo bam gacmeed adeegsaday” ayuu yiri Nuur.

Arintan ayaa waxaa ka dhalatay caro weyn iyo hadal heyn badan iyadoo ay aad uga xumaadeen qeybaha bulshada oo ku baaqay in la soo xiro dadkii ka dambeeyey falkaas arxan darada ah.

Waa markii ugu horraysay inta la ogyahay taariikhda ee dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Haddaba hoos ka daawo warbixin laga diyaariyey dhacdadan murugada leh iyo wiilka iyo gabadha is-guursaday oo hadlay.