25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Britain oo shaacisay in ay aqoonsan doonto dowlad Falasiin, una digtay Israa’iil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Britain ayaa Talaadadii sheegtay inay aqoonsan doonto dawlad Falastiini ah bisha Sebteembar haddii aanay Israa’iil qaadin tallaabooyin lagu yareynayo dhibaatada ka jirta Gaza, halkaas oo ay gaajadu ku fidayso, islamarkaana weli aanay gaarin xabad-joojinta dagaalka ku dhow labada sano oo ay kula jirto Xamaas.

Digniintan, oo keentay jawaab kulul oo ka timid Israa’iil, ayaa timid kaddib markii hay’ad la socota heerka gaajada ay sheegtay in xaaladdii ugu darnayd ee macluusha ay bilaabatay, loona baahan yahay tallaabo degdeg ah si looga fogaado dhimasho baahsan. Maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in hadda la xaqiijiyey in in ka badan 60,000 oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen weerarka Israa’iil ee ka dhanka ah Marinka Gaza.

Digniinta gaajada iyo tirada cusub ee dhimashada ayaa muujinaya heerar murugo leh oo laga gaaray colaadda hadda jirta, taas oo billaabatay bishii Oktoobar 2023 markii Xamaas ay weerartay Israa’iil, arrintaas oo keentay duullaan dhulka la simay inta badan dhulkaas go’doonsan, una horseeday hurin colaado guud ahaan Bariga Dhexe.

Digniinta ka timid hay’adda Qiimeynta Isku-dhafka ah ee Sugnaanta Cunnada (IPC) ayaa kordhisay suurta-galnimada in dhibaatada gaajada ee Gaza si rasmi ah loogu aqoonsado macluul. Tani waxay la micno noqon kartaa in cadaadis weyn la saaro Israa’iil si ay u oggolaato in gargaar cunto oo ballaaran la geeyo.

Digniinta Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa sare u qaaday cadaadiska caalamiga ah ee saaran Israa’iil, xilli uu sii kordhayo falcelinta caro leh ee ku saabsan sida ay u wado dagaalka. Faransiiska ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dawladnimada Falastiin bisha September, taasoo keentay caro ka timid dawladda Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri: go’aanka Starmer “wuxuu abaal marinayaa argagixisada bahalnimada ah ee Xamaas, wuxuuna ciqaabayaa dhibbanayaasheeda,” isagoo intaa ku daray “Dawlad Jihaadi ah oo MAANTA ka abuuranta xuduudda Israa’iil waxay khatar gelin doontaa Britain BERRI.”

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan kala hadlin qorshayaasha Britain ee ku saabsan dawladnimada Falastiin intii uu socday kulan uu la yeeshay Starmer Isniintii ee Scotland, markaas oo uu weriyeyaasha u sheegay “inuusan dhibsanayn” haddii Britain ay qaaddo tallaabadaas.

Laakiin Talaadadii, isagoo saaran diyaaradda Air Force One, Trump wuxuu sheegay inuusan u arkin in aqoonsiga madax-bannaanida Falastiin uu yahay abaal-marin la siinayo Xamaas.

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa ku tilmaamay go’aanka Starmer mid “geesinimo leh,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda Falastiin ee WAFA.

Starmer ayaa golihiisa wasiirrada u sheegay in Britain ayku  aqoonsan doonto dawladnimada Falastiin fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay bisha September “haddii aanay dawladda Israa’iil qaadin tallaabooyin la taaban karo oo ay ku soo afjarayso xaaladda argagaxa leh ee Gaza, ayna gaarin xabad-joojin, ayna caddeyso inaanay jiri doonin wax gudasho ah oo ka dhacaya Daanta Galbeed, ayna ka go’an tahay geeddi-socod nabadeed oo mustaqbalka fog kaasoo keenaya xalka labada dawladood,” sida ay sheegtay dawladdiisu.

Tallaabadan, haddii la fuliyo, waxay u badan tahay in ay yeelan doonto astaan siyaasadeed, maadaama Israa’iil ay weli haysato dhulalkii ay Falastiiniyiintu muddo dheer higsanayeen inay ka dhistaan dawlad – kuwaas oo ah Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, oo Bariga Qudus loogu talagalay iny noqoto caasimadda.

Arrintan waxay Israa’iil ka dhigeysaa mid aad uga go’doonsan masraxa caalamka, xilli ay sii kordhayaan codadka caalamiga ah ee ku baaqaya in la oggolaado gargaar aan xannibaad lahayn inuu galo Gaza – halkaas oo ay Israa’iil si buuxda u maamusho dhammaan marinada laga galo iyo kuwa laga baxo ee dhulkaas go’doonsan.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Trump – oo ah xulafada ugu dhow uguna saameynta badan Israa’iil – ayaa caddeeyay inuusan wax niyad ah u hayn inuu ku biiro dalalka aqoonsanaya dawladnimada Falastiin waqtigan dhow. Tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay bishii Jannaayo, Trump ma cadda inuu taageersan yahay dawlad Falastiini ah oo mustaqbalka dhalata iyo in kale.

Starmer ayaa Talaadadii wada-hadallo telefoon la yeeshay Netanyahu iyo Cabbaas ka hor inta uusan shaacin go’aankiisa.

Caddeymaha gaajada, nafaqo-darrada iyo cudurrada

Iyadoo ay sii kordhayso carada caalamiga ah ee ku aaddan dhibaatada Gaza, Israa’iil waxay dhammaadkii toddobaadka ku dhawaaqday tallaabooyin lagu fududeynayo gelitaanka gargaarka. Laakiin Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa Talaadadii sheegay inuusan helin oggolaanshihii uu u baahnaa si uu u geeyo gargaar ku filan tan iyo markii Israa’iil billowday hakinta gargaarka bini’aadannimo.

“Caddeymo isa soo taraya ayaa muujinaya in gaajo baahsan, nafaqo-darro iyo cudurro ay sababayaan koror ku yimid dhimashada la xiriirta gaajada,” ayay tiri hay’adda IPC, iyadoo intaa ku dartay in “heerarkii macluusha” la gaaray marka la eego isticmaalka cuntada ee inta badan Gaza.

Waxay sheegtay inay si degdeg ah u samayn doonto falanqayn rasmi ah oo suurta gelin karta in Gaza si rasmi ah loogu aqoonsado “meel macluul ka jirto.”

Hay’adaha caafimaadka Gaza ayaa soo tebinaya dad sii kordhaya oo u dhimanaya sababo la xiriira gaajo. Tirada guud waxay gaartay 147 qof, oo ay ku jiraan 88 carruur ah – kuwaasoo intooda badan ay dhinteen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sawirrada carruur Falastiiniyiin ah oo laf iyo maqaar ah ayaa naxdin ku riday dunida, iyadoo xulafada ugu adag ee Israa’iil, Trump, uu qiray in dad badan ay gaajaysan yihiin, wuxuuna ballanqaaday inuu dhisi doono “xarumo cunto” oo cusub.

Isra’a’iil ayaa beenisay inay waddo siyaasad dadka lagu gaajaysiinayo. Wasiirka Arrimaha Dibedda, Gideon Saar, ayaa Talaadadii sheegay in xaaladda Gaza ay tahay “mid adag,” balse uu jiro buunbuunin ku saabsan heerka gaajada ee halkaas ka jira.

Colaaddii ugu dhimashada badnayd

Tirakoobka khasaaraha Gaza – oo inta badan ay soo xigtaan Qaramada Midoobay, ayna horey WHO u sheegtay inuu yahay mid lagu kalsoonaan karo – ayaa muujinaya in dagaalkan uu yahay kii ugu dhimashada badnaa ee Israa’iil gasho tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1948.

Isra’a’iil waxay duullaankeeda ku billowday jawaabtii weerarkii Xamaas ee xuduudda uga yimid 7-dii Oktoobar 2023, markaas oo dagaalyahannadu ay dileen illaa 1,200 oo qof, ayna afduubteen 251 kale – taasoo ahayd maalintii ugu dhimashada badnayd ee abid soo marta Israa’iil. Tan iyo markii ay Israa’iil billowday hawlgallada dhulka ee Gaza bishii Oktoobar 2023, waxaa laga dilay 454 askari.

Tirada cusub ee dhimashada Falastiiniyiinta ma kala saarayso dagaalyahannada iyo dadka rayidka ah. Kumanaan meyd ah ayaa la aaminsan yahay inay ku hoos jiraan burburka, taasoo la micno ah in tirada dhabta ah ay u badan tahay inay aad uga badan tahay tan la xaqiijiyay, sida ay sheegeen saraakiil Falastiiniyiin ah iyo shaqaalaha gurmadka.

Duqeymo cirka ah oo Israa’iil ay samaysay habeenkii ayaa lagu dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa xerada Nuseirat ee bartamaha Gaza, sida ay sheegeen hay’adaha caafimaadka Gaza. Dhakhaatiirta Isbitaalka Al-Awda ayaa sheegay in ugu yaraan 14 haween ah iyo 12 carruur ah ay ka mid ahaayeen dadka dhintay.

Isbitaalku wuxuu kaloo sheegay in 13 qof lagu dilay, tobaneeyo kalena lagu dhaawacay rasaas ay fureen ciidamada Israa’iil, xilli ay marayeen Waddada Salahudeen, iyagoo sugayay baabuurta sida gargaarka ee soo galaya Gaza.

Saar wuxuu sheegay in 5,000 oo baabuur oo sida gargaar ay galeen Gaza labadii bilood ee la soo dhaafay, ayna Israa’iil diyaar u tahay inay caawiso kuwa doonaya inay fuliyaan gargaar cirka laga soo daayo – hab ay kooxaha gargaarka u arkaan mid aan wax ku ool ahayn oo iska-yeel-yeel ah.

Isra’a’iil iyo Maraykanku waxay ku eedeeyaan Xamaas inay xaddo gargaarka – eedeymo ay dagaalyahannadu beeniyeen – iyo Qaramada Midoobay oo ay ku eedeeyaan inay ku guuldarreysatay xakameyntiisa. Qaramada Midoobay waxay sheegtay inaysan haynin caddayn muujinaysa in Xamaas ay si ballaaran u leexisay gargaarka. Xamaas waxay ku eedeysaa Israa’iil inay sabab u tahay gaajada, ayna gargaarka u isticmaashay xeelad dagaal.

- Advertisement -

Read more

Local News