27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Britain oo soo fara-gelisay mooshinka iyo Xasan oo runta u sheegay N. Wigan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Villa Somalia kula kulmay safiirka Britain ee Somalia Neil Wigan, oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo muhiim ah.

Si kastaba, waxa ugu muhiimsanaa qodobada laga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed, oo iminka maraya heer xilka Cabdi Weli uu qiil qiil ku jiro.

Mr. Wigan, ayaa madaxweynaha kala hadlay sida ugu macquulsan ee looga gudbi karo khilaafka, loona baajin lahaa in ra’iisul wasaaraha uu xilka waayo, balse si kale wax lagu xaliyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Wigan in khilaafka jiro uu sabab u yahay Cabdi Weli, iminkana aysan jirin wax uu ka qaban karo mooshinka yaala baarlamanka, sababta oo ah buu yiri “Xildhibaanadu waa xor, mana doonayo inaan howshooda fara-geliyo”.

Wigan, ayaaa kadib kullanka bogga uu ku lee yahay Shabakada Bulshada Xiriirisa ee Twitter-ka, wuxuu ku sheegay sida lagama maarmaan u tahay inaanay Somaliya ka leexan wadada ay iminka cagta ku heyso.

Safiirka, ayaa sheegay in sida iminka waxu socdaan ay keeni karto dib u dhac uu ku yimaado Dowladnimada Somaliya, iyo hiigsiga sanadka 2016-ka ee Somaliya, taasina aysan Britain raali ka ahayn.

Diblomaasiyiinta shisheeye ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa siyaabooyin kala duwan ula kulmaaya Madaxda Dowladda, waxayna kala hadlayaan inaan mugdi la gelin soo kabashada Somaliya.

Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa sidoo kale waxa uu ka qayb qaadanayaa dadaalada leeskugu soo dhaweynaayo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, si looga baaqsado mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News