25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

BUUBAA oo si kulul uga hadlay Naas-nuujinta DF ee Maamul Goboleedyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi ismaaciil hurre buubaa oo kamid ah Siyaasiyiinta dalka, ayaa ka hadlay Maamulada Gobolada ee ka jira dalka iyo kuwa hada dhismaya waxa uuna sheegay in caqabad ay ku yihiin awooda dowladda dhexe ee Somalia.

Buubaa waxa uu sheegay in dalka uu kusii fidaayo maamulo gaar ah oo aan hoostagin Dowlada dhexe, taasina ay keentay Midnimo la’aan.

Buubaa waxa uu Tilmaamay in Maamulada ay u dhaqmaan sida Dowlado Madaxbanaan taasi oo uu sheegay in aysan aheyn wax midnimada Somalia u wanaagsaneyn.

Sidoo kale, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa waxa uu walaac xoogan ka muujiyey qaabka ay DF Somalia u naas-nuujineyso Shaqsiyaadka hogaaminaaya Maamulada iyo kuwa iminka ku howlan dhismaha Maamulka.

Waxa uu meesha ka saaray suurtagalnimada in Maamulada ay galaan heshiisyo caalami oo u gaar ah, iyadoo aysan ka warqabin dowladda Somalia.

Dhanka kale, Dowladda ayaa ku guda jirta Dhismaha Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo sidoo kale qorsheeneysa dhismaha Maamulka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News