C/Casiis Lafta-gareen oo qaaday tallaabo aan laga fileyn oo aysan ku farxin DF

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdficasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay todobbo xubnood oo midi ay Haween tahay oo baara tacadiyadii ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Rabshadihii Baydhaba ayaa waxaa ku naf waayey dad gaaray 15 qof oo shacab ah.

Tallaabada uu qaaday Lafta-gareen ayaan ku farxi dooni madaxda dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha amniga, si gaar ahna wasiirka amniga Ducaale iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin.

Rabshadahan ayaa waxaa ku lug lahaa ciidamo ay Ducaale iyo Fahad ka direen Muqdisho, waxaana baaritaan kasta oo dhab ah oo dhacdadan lagu sameeyo ay lugaha la gali doontaa ayaga.

Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya weli aysan ka hadal, cambaareyn, xitaa kana tacsiyeyn wixii ka dhacay Baydhaba 13-15 December.

Wakiilkii hore ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Soomaaliya laga cayriyey kadib markii dowladda uu ka dalbaday inay sharaxdo wixii dhacay.

Si kastaba, waxaan caddeyn in Lafta-gareen ay dhab ka tahay baaritaanka uu dalbaday iyo tani ay tahay maaweelo siyaasadeed oo uu kusoo jiidanayo shacabka Koonfur Galbeed oo ku tirinaya nin Muqdisho laga xukumo, oo aan lahayn go’aan siyaasadeed madax banaan.