Sawiro: Dr. Cali Ciise Cabdi oo gacanta ku dhigay 17-ka xildhibaan ee Dhulbahante

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ballaaran ayaa maanta ku dhexmaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland musharaxa xilka madaxweyne Dr. Cali Ciise Cabdi, xildhibaanada golaha shacabka federaal-ka ku metela Dhulbahante, xildhibaanada cusub ee isla beeshaas ugu jira Puntland, cuqaalad iyo siyaasiyiin kale.

Kulan waxa uu ahaa mid taageero loogu muujinayo Dr. Cali Ciise Cabdi, oo 8-da bisha geli doona loolan adag oo uu kala kulmayo 28 kale oo isla xilkaas doonaya.

Waxaa jirtay xan ahayd in Dr. Cali Ciise lagu haysto 17-ka xildhiaan ee beesha Dhulbahante oo uu ka soo jeedo ugu jira Puntland taas oo dhaawici kartay rejadiisa.

Hase ahaatee, kulanka maanta Garowe ka dhacay oo ay soo xaadireen siyaasiyiin gayyiga Soomaalida caanka ah sida Dr. Cali Axmed Jaamac Jengeli oo hore Soomaaliya Wasiir Arrimo Dibadeed uga soo noqday, dowladdii Xassan Sheekh-na ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, Xildhibaan Da’uud Bisinle oo ah rugcadaa siyaasadeed oo ka soo jeeda gobolka Sool, Wasiirka Macdanta ka soo noqday dowladdii Xassan Shikeh, Xildhibaan Canab Xassan Cili iyo Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale.

Waxaa sidoo kale dhammaa goobta ka muuqday 17-ka xildhibaan ee Sool, Sanaag iyo Cayn ugu jira Puntland oo sida la xaqiijiyey bilaa shuruud ugu ballan qaaday codkooda Dr. Cali Ciise Cabdi.

Kulanka waxa uu ahaa mid sida la sheegay xildhibaanada Dhulbahante ay codadkooda ugu ballan-qaadeen Dr. Cali Ciise, waxaana uu yimid xilli uu maanta Dr. Saaqad Enow xaqiijiyey in uu u tanaasulay Dr. Cali Ciise.

Shalay, sidoo kale waxaa kulmay Dr. Cali Ciise iyo Cali Xaaji Warsame oo ayagana laga yaabo inay sameystaan xulufaysi siyaasadeed.

Dhinaca kale, waxaa iyana jira sida ay Caasimadda Online xog hoose ku heshay in ay kulan u ballansan yihiin Musharax Faarax Cali Shire iyo Dr. Cali Ciise Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com