C/raxmaan C/Shakuur oo maanta laga sugaayo Xarunta Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta xarunta Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir uu gaaro C/raxmaan C/shakuur oo maalmo un ka hor looga yeeray Maxkamada.

Maxkamada Racfaanka Gobolka ayaa qoraal ay u dirtay C/raxmaan C/Shakuur ku sheegtay in xarunta Maxkamada uu ku imaado mudada loo qabtay oo ku beegan 03-da January 2018 oo maanta ah .

Maxkamada waxa ay sidoo kale qoraalkeeda ku wargalisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir, Nabadsugida iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir oo lagu wargalinaayay inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa.

Maxkamada ayaa C/raxmaan C/Shakuur fartay in si hufnaan ah uu uga jawaab bixiyo dacwadiisa maadaama kiiska Dacwada uu usoo gudbay heer Racfaan oo maanta loo fadhiyo.

Dhageysiga dacwada Maxkamada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaadan doona Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka, waxaana dhammaan dhinacyada lagu wargeliyay in ay waqtiga ilaaliyaan.

Dhinaca kale, Warqada loogu yeeray C/raxmaan C/Shakuur ee kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblawe ayaa soo baxday 26-kii December.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com