Ma dhabaa in C/Raxmaan C/Shakuur uu ka biya diidan yahay hortagista Maxkamada Racfaanka (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka helnay ilo ku dhow dhow C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegaya inay suuragal tahay in Siyaasiga uu maanta ka baaqsado Maxkamada racfaanka gobolka banaadir.

Ilo wareedka ayaa sheegay in Siyaasiga uu ka biya diidan yahay hortagida Maxkamada, waxa uuna u sababeeyay diidmadiisa in maxkamada Gobolka Banadir ay fulisay xukun cadalad ah.

C/raxmaan C/shakuur ayaa laga soo xigtay in aysan jirin wax dacwad ah oo uu ka qeyb galayo maanta, isagoo intaa ku daray in uusan wakiilan doonin qareena ku matala dacwadaas.

Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in C/raxmaan C/shakuur uu kasoo horjeedo hor tagista Maxkamada Racfaanka kadib markii uu ku dooday inuu raacsan yahay xukunkii ay horay u fulisay Maxkamada Gobolka.

Maxkamada Racfaanka Gobolka ayaa qoraal ay u dirtay C/raxmaan C/Shakuur ku sheegtay in xarunta Maxkamada uu ku imaado mudada loo qabtay oo ku beegan 03-da January 2018 oo maanta ah .

Sidoo kale, waxaana la ogeyn go’aanka ka soo baxay C/raxmaan C/shakuur Jawaabta ay ka bixin doonto Maxkamada Racfaanka Gobalka Banaadir, waa haddii uu Siyaasiga ku adkeysto hadalkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com