Trump ” Batoonka laga ridayo gantaalka Niyukliyerka ee miiska kuu saaran mid ka weyn ayaa anigana ii saaran”

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Kuuriyada Waqooyi uga digay inuu heysto Niyukliyeer ka awood badan midka ay hesytaan.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkaan sheegay mar uu u jawaabayey ogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un kaasoo sheegay in  keebka laga rido hubka Niyukliyerka uu saaran yahay miiskiisa waxana uu u digey dowlada Maraykanka in uu leeyahay awood uu ku gaaro guud ahaan dalka Maraykanka.

” Madaxweynaha Kuuriyada wuxuu sheegay in mar kasta uu miiska u saaran yahay Batoonka laga rido Gantaalka Niyukliyeerka, haloo sheego in anigana uu miiska ii saaran yahay mid ka awood badan” ayuu yiri Trump.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Isaga oo jeedinayay khudbadda sanadka cusub ayuu sheegay in batoonka laga ridayo gantaalka hubka nuyuukleerka uu markasta ku dheganyahay miiskiisa, islamarkaasna uu riixi karo markii uu doono.

Waxa uu intaas ku daray in gantaalada ay gaari karaan meel kasta oo Maraykanka ka mid ah.

Balse waxa uu Kim Maraykanka u fidiyay wax lagu tilmaamay caleemo qoyan, isaga oo soo jeediyay in ay wadahadalo furan galaan labada dal.

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aysan hanjabaad ahayn.

Mr Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aysan awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi. Balse waxa uu sheegay in Niyukleerka ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda qalal la galiyo.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang, taasi oo horey ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com