C/weli Gaas oo ugu danbeyntii ka jawaabay baaqa dhigiisa Galmudug

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ka degay wafdi ballaaran oo uu Hogaaminaayo C/weli Gaas.

Wafdiga Hogaamiye Gaas ayaa isugu jira Wasiiro, Xildhibaano ka kala tirsan labada gole ee maamulka, waxaana lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ay uga qeybgalaan shirka dhameystirka Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna.

Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kale duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wafdiga Hogaamiye Gaas.

Hogaamiye Gaas oo saacadihii ugu danbeeyay ay wada xiriireen dhigiisa maamulka Galmudug Xaaf, ayaa ka jawaabay baaq ahaa inuu kasoo qeybgalo shirka, maadaama la saadaalinaayay inuu ka baaqsan doono.

Gaas oo doonaayay inuu ka joogo shirka ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb, isagoo ka jawaabaya baaqa marti galineed ee uga imaaday dhigiisa Galmudug oo ay wada hadleen.

Sidoo kale, waxaa magaalada Dhuusamareeb horay usii gaaray Madaxweynaha, Hogaamiyaha HirShabelle, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal ciidan iyo Saraakiil wehlineysay Madaxweynaha Somalia.

Dhinaca kale, maalinta beri ah ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka oo iminka dib u dhacay sababo la xiriira Wufuuda oo aan weli soo wada xaadirin.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com