29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Gaas iyo Guuleed oo kala saxiixday heshiis ay adag tahay hir-gelintiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa maanta kulan heshiisiin ah ku qaatay magaalada Muqdisho kaa oo xal looga gaarayay colaada ka jirta magaalada Gaalgacyo.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay in si deg deg ah leesugu furo isku socodka dadka iyo gaadiidka Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyadoo la kala qaadayo ciidamada.

Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in magaalada Gaalkacyo laga howlgaliyo ciidamo Boolis ah, iyadoo leysku afgartay in Bisha 2aad ee fooda nagu soo heysa mar kale leysugi soo laabto ambaqaadka shirarka u dhexeeya labada maamul ee looga hadlaayo Amniga.

Madasha ay ku heshiiyeen labada mas’uul ayaa waxaa la xaqiijiyay in goob joog uu ka ahaa Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Docda kale, waxa ay labada mas’uul qalinka ku duugeen in mid waliba uu ilaalin doono Xasiloonida, isla markaana ka adkaan doono Ciidamadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News