28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

“Caalamka ayaa cadaadis ku haya Somaliland”!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in hakad la geliyay wadahadalkii u dhaxeeyay maamulka Somaliland iy dowlada Federaalka Soomaaliya, taasi oo caqabad kale keentay.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud, oo la hadlayay saxaafada ayaa si cad u sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay ahmiyadii laga lahaa sii socoshada wadahadalka u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in maamulka Somaliland uu cadaadis kala kulmayo beesha caalamka, maadaama aysan dooneyn iney ka mid noqdaan nidaamka dowladnimo ee ka jira koofur dalka Soomaaliya, sidaasi daraadeedna dowlada looga baahan yahay iney fursadaasi ka faa’ideysato.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay ujeedadii laga lahaa wadahadalka u dhaxeeya labada dhinac, maadaama Soomaaliya aysan iminka noqon karin labo wadan.

Wuxuu si cad u tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay caalamka ka iibiso iney doorweyn ka ciyaareyso wadahalka balse ay arimahaasi been yihiin, maadaama hakad uu galay wadahadalka.

Dhanka siyaasada ayuu sheegay ineyu rogeen wadahadalka oo muddo badan socday laakiin aan ahmiyad la sinin shacabka islamarkaana aan laga dhageysan waxa ay doonayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News