Sawirro: C/WELI GAAS oo caradii uu ka qaaday Muqdisho isaga baabi’inaaya xeebta Boosaaso.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa booqday xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehlinaayay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka, waxa ayna ku shaahen baar xeebta ku yaalla, iyaga oo halkaasi ku lafa guray arrimaha la xiriira shirka madasha wadatashiga aayaha Somalia.

Waxaa sidoo kale Xeebta ku sugnaa dhalinyaro aad u badnaa kuwaasi oo iyaguna qeybtooda kala shaahayay.

C/welli Gaas ayaa wali ka careysan natiijada shirkii maalmo un ka hor kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana uu ku sugnaa labadan maalin magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

1

2.

6

7

8

4

5

1