31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Muxuu Prof. Cali Khaliif ka yiri shirkii Muqdisho?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Buuhoodle (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo saxaafada kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa si adag kaga hadlay shirkii kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho kaasi oo laga soo saaray go’aanka doorashada sanadkan dhamaadkiisa ka dhaceyso Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Khaliif, ayaa sheegay in maamulkiisa marnaba uusan ku qanacsaneyn natiijada shirkii kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in maamulkiisa uusan ka qeyb galin shirka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wuxuu cadeeyay in dowlada Soomaaliya aysan dhag jalaq u siinin maamulkiisa, sidaasi daraadeedna aysan ku qanacsaneyn nidaamka ah in 4-5 lagu saleeyo doorashada sanadkaan ka dhacayso dalka Soomaaliya.

Wuxuu arin qiyaano ah ku sheegay go’aanka lagu gaaray magaalada Muqdisho, maadaama shacabka ku dhaqan deegaanada Khaatumo la iska inkiray oo aan la dhageysan fikradooda, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale madaxweyne Cali Khaliif ayaa si adag kaga hadlay dagaalka maalmahaan ka dhacayay deegaanada maamulkaasi oo ku qaadeen ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, wuxuuna ka digay dagaalo kale oo ka dhaca deegaanada hoostaga Buuhoodle.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay xiisad dagaal oo u dhaxeyso ciidamada Somaliland iyo Khaatumo ayaa ka taagnaa deegaanada Hoostaga gobolka Sanaag iyo Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News