Xog: Sidee loo lunsaday dhaqaalahii New Deal?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii la saxiixay qorsha Hiigsiga cusub ee New Deal ayaa waxaa in badan soo baxayay musuq maasuqa dhaqaalaha loogu talo galay hergelinta barnaamijkaasi oo Soomaaliya loo qorsheeyay sanadkii lasoo dhaafay.

Wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga xukuumada Soomaaliya C.raxmaan Cali Ceynte oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhaqaalaha Soomaaliya loogu deeqo iyo halka ay maraan.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaarada qorsheynta ay sameysay gudi gaar ah oo dabagal ku sameeya dhaqaalaha loogu dalka Soomaaliya oo Wadamada Caalamka ay bixiyaan, kuwaasi oo sidoo kae si joogto ah u kormeeri doona mashaariicda laga sameeyo dalka si la iskula xisaabtamo.

Wasiir Ceynta ayaa soo hadal qaaday dhaqaalaha loogu talo galay hergelinta hiigsiga cusub ama New Deal oo la gaarsiiyay gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in lacagtaasi kaliya laga xasuusto in madaxda diyaararo ay ku raacraaceen.

“gudiga waxay dabagal joogto ah ku sameyn doonaan dhaqaalaha caalamka Soomaaliya ugu deeqo, waxayna kormeeri doonaan mashaariicda laga hergelinayo dalka Soomaaliya, si loo ogaado dhaqaalaha in sida rasmiga ah mashruuca loogu qabtay”

“Waxaa mar badan nala weydiiyay dhaqaalaha Hiigsiga cusub ee New Deal halka ay ku baxeen, kaliya waxaan ka heynaa in madaxda diyaarado ku raac raaceen oo anaga aan raacnay, laakiin dadka la xisaabtan ayay usoo jeesteen”ayuu yiri wasiir Ceynte.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com