Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre 17 Deseember 2018 ayaa waxaa loogu magacaabay Cabdi Aadan Hoosow wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska kaddib markii uu iska casilay wasiirkii hore.
Cabdi Aadan Hoosow kuma cusba siyaasadda oo wuxuu hore u soo qabtay xilal sare oo dowladeed, waana aqoonyahan heysta Double Masters, iyo Bachelor dhinaca culuumta bulshada, siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ka heysta Glasgow, Scotland, UK.
Hoosow wuxuu ku dhashay degmada Waaaberi ee magaalada Muqdisho 1970-meeyadii, wuxuu ku soo tacliinta hoose ku qaatay magaalada Baydhabo asagoo ka qalin jebiyay dugsigii sare ee Masaarida Sheekh Aweys ee Baydhabo dabayaaqadii 1990-kii. Wuxuu ka mid ahaa dhallinyaradii ka shaqo bilowday hey’adihii samafalka sida CRS, MSF iyo UN ee horraantii 1992 yimid Baydhabo iyo nawaaxigeeda si ay ugu gargaaraan bulshada ay ku habsatay macluushii 1992, wuxuuna ka shaqaynayay howshaas illaa dhammaadkii 90-aadkii.
Hoosow wuxuu u guuray magaalada Galsgow, Scotland, UK halkaas oo uu kaga qalin jebiyay Jaamacadda Glasgow, oo uu ka qaatay labada shahaaddo sare ee Masters mid dhanka culuumta siyaasadda iyo bulshada ah, iyo mid dhanka xiriirka caalamiga, wuxuu sidoo kale isla jaamacaddaas ka qaatay shahaadda heerka koowaad ee Bachelor ee culuumta siyaasadda. Hoosow wuxuu dalka ku soo noqday sannadkii 2012, asagoo ahaa la taliye diyaarintii dastuurka.
Sannadkii 2013, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Baay oo uu hayay muddo saddex sanadood ah. Hoosow wuxuu horumar ballaarin ku soo kordhiyay gobolka Baay iyo magaalada Baydhabo illaa laga hirgeliyo maamulka Koonfur Galbeed.
Ka hor inta aan Dec 17, 2018 loo magacaabin wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, wuxuu ahaa Agaasimaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, ka horna wuxuu ahaa la taliye ka tirsan hey’adda Qaramada Midoobay qeybta macluumaadka.
Dadka yaqaanna waxay ku sifeeyaan in uu yahay qof furfuran, howl kar ah, waana markii ugu horeysay ee uu xil wasaaradeed qabto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]