Xildhibaanada Badbaado oo qoraal xasaasi ah ka soo saaray garsooreyaashii uu magacaabay Farmaajo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Kutlada Badbaado Qaran ee xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa si xooggan ugu hor-yimid shanti garsoore ee cusbaa ee uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay maxkamadda sare ee dalka.

Kudlada Badbaado Qaran waa dallad ay ku mideysanyihiin xildhibaano iyo madaxda
fulinta ee xisbiyada Nabada, Ileys, Wadajir, UPD, iyo xildhibaano madaxbanaan oon aan
weli xisbiyo ka mid ahayn

Qoraal ay soo saareen ayay xildhibaanada ku sheegeen “in garsoorayaashan iyo kuwii ka horreeyayba ay yihiin sharci darro, maadaama aan loo marin habraaca uu sheegayo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliy”

Waxay sidoo kale sheegeen in magacaabista Guddoomiyaha hadda jooga Maxkamada Sare aan loo marin wado sharci ah, sidaa darteedna uusan laheyn awood sharci oo uu ku soo jeedin karo magacaabis garsoorayaal isaga la darajo ah

Qoraalka ayaa lagu yiri “magacaabistan waxay ka hor imanaysaa in tartan furan loo galo shaqooyinka oo dhan, waxaanay iska indho tiraysaa in haweenka kaalin laga siiyo garsoorka sida ku cad mabaadii’da dastuurka”

Xildhibaanada ayaa soo jeediyey shanta qodob ee hoos ku xusan.

1 – Waxaannu ugu baaqaynaa Madaxweynaha inuu dhowro dastuurka iyo sareynta sharciga dalkana ku hoggaamiyo hab waafaqsan sharuucda dalka;

2 – Waxaannu ugu boorineynaa garsoorayaasha lagu magacaabay hab baal marsan sharciga inay iska casilaan xilalkan sharcidarrada loo maray, ogaadaanna in lagula xisaabtami doono waxii ay geystaan;

3 – Waxaannu ka digaynaa khataraha ka dhalan kara in garsoorayaal aan lagu magacaabin hab sharci ah ay qaadaan dacwooyin keeni kara ciqaabo dil, hanti kala qaadasho, ganaax iyo xabsi;

4 – Waxaan ugu baaqaynaa golayaasha barlamaanka in ay kula xisaabtamaan Madaxweynaha iyo xukuumadda oo ka baaqatay dhismaha Golaha Adeega Garsoorka badalkeediina ka dhigtay magacaabista shakhsiyaad lagu soo xulay si shaciga baal marsan; iyo

5 –  In Guddiga Adeega Garsoorka oo sameyntiisu u dabrantay xukuumada lagu soo dhiso sida ugu dhakhsaha badan si ay taasi gacan uga geysato samaynta garsoor madaxbanaan.

Hoos ka aqri qoraalka oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com