Wasiirkii arrimaha dibedda Sacuudiga iyo xubno kale oo xilalka laga qadaay

Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz ayaa wsiirkii hore ee maaliyadda dalkaas Ibrahim al-Assad u magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha dibedda dalkaas.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah isku shaandheyn ballaaran oo maanta lagu sameeyey golaha wasiirada boqortooyada, ayna ku jiraan jagooyin sare oo dhanka ammaanka qaranka ah.

Isku shaandheyntan ayaa timid kadib markii Sacuudiga ay cadaadis caalami ah kala kulmeen dilkii weriye Jamaal Khaashuqji oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Assaf ayaa beddelaya Adel al-Jubeir, oo loo magacaabay inuu noqdo wasiiru dowlaha cusub ee arrimaha dibedda. Adel al-Jubeir ayaa ahaa wasiirka kaliya ee aan ka dhalan boqortooyada ee ku jira xukuumadda Sacuudiga.

Boqor Salmaan ayaa sidoo kale u magacaabay amiir Abdullah bin Bandar bin Abdulaziz inuu beddelo amiir Miteb bin Abdullah, oo uu noqdo madaxa ciidamada Ilaalada qaranka, wuxuuna ku amray inuu is-beddel ku sameeyo golaha siyaasadda iyo amniga Sacuudiga.

Jeneral Kalid bin Qirar al-Harbi ayaa loo magacaabay madaxa ammaanka guud, ayada Musaed al-Aiban loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
caasimada@live.com