DF Soomaaliya: Taliyeyaal cusub oo la magacaabay iyo kuwo xilka laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta magacaabay taliyeyaal ciidan oo cusub ayada qaarna xilalka laga qaaday.

Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa magacaabay Taliyaha iyo taliye ku xigeenka qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wareegto kasoo baxday taliyaha ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay taliyayasha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka oo ka howlgalayay HirShabeelle, waxaana loo magacaabay talis cusub halka kuwii hayay loo wareejiyay qeybta 12-ka April.

Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga ayaa waxaa loo magacaabay sarreye guuto Tawane Axmed Maxamed.

Abaanduulaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Cabdi Salaan Aadan Kurjow.

Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday taliyahii qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga ana howl galeysay HirShabelle sarreeye guuto Maxamuud Koronto, waxaana xilkaas loo magacaabay Jeneraal Tareedisho.