26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Cabdi Weli Gaas oo jawaab ka bixiyey go’aankii xildhibaanada ku kala direen golihiisa wasiirada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo goordhow Saxaafada kula hadlay Madaxtooyada Maamulka ayaa ka hadlay kalsoonida ay Xildhibaanada kala laabteen Golihiisa Wasiirada.

C/wali Gaas, ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo go’aanka ay gaareen Xildhibaanada baarlamaanka maamulkiisa Puntland.

C/wali Gaas, waxa uu sheegay inuu ku qancaayo go’aan weliba oo kasoo baxa baarlamaanka waxa uuna cadeeyay in go’aankaasi uu qaatay.

Wuxuu tilmaamay in muddo kooban uu kusoo dhisi doono Xukuumad cusub isla markaana ka duwan tan iminka ay rideen Xildhibaanada baarlamaanka.

Waxa uu intaa raaciyay in ka hor inta uu soo magacaabin Golihiisa uu latashiyo la sameyn doono Ku- xigeenkiisa iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka.

Sidoo kale, Dastuurka maamulka Puntland Qodobkiisa 76-aad ayaa qaba in Hogaamiyaha maamulka uu fursad u haysto muddo 21 cisho ah inuu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Geesta kale, Hogaamiyaha maamulka ayaa fursad u arka kalsooni kala laabashada Golihiisa Wasiirada si uu soo dhiso Xukuumad cusub oo isaga u heelan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News