Cabdi Xaashi oo ka horyimid qorshaha DF “Anigaa soo magacaabaya guddiyada doorashada G/Waqooyi”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhaliilay qaabka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada kuraasta baarlamanka ee xildhibaanada gobollada waqooyi, wuxuuna dalbaday inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi, ayaa qoraal uu u diray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada waxa uu ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aannada looga gaaray hanaanka iyo waqtiga doorashada “aan wax tixgelin iyo qadarin ahba la siinin midnimada Qarannimo oo ay u taagan yihiin siyaasiyiinta beelahaas ku metela Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Sababta ayuu ku sheegay in madashii lagu go’aamiyay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/21 iyo habraacyada hirgelinta heshiiskaas “aysan goobjoog ka ahayn” siyaasiyiin ama mus’uuliyiin meteleysa Gobollada Waqooyi ee Somaliland, madashaas oo ay ahayd in ay ku yeeshaan metelaad iyo go’aanba, sida uu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiiska shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka “ay ka maqnaayeen” siyaasiyiin metesha Gobollada waqooyi.

Cabdi Xaahsi ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada.

Guddoomiayah Aqalka Sare ayaa sheegay in sidaas darteed, uu isaga soo magacaabi doono labada xubnood ee gobollada waqooyi ku matalaya guddiga doorashada heer federal, labada xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyo sideedda xubnood ee guddiga doorashada heer gobol ee gobollada waqooyi.

Xigasho VOA