Wasiirka cusub ee A/Gudaha oo caddeeyey mowqifkiisa doorashada HirShabeelle

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo saartay qoraal ay kusoo dhoweyneyso soo Xulista xildhibaanada baarlamanka labaad ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu hambalyeyey Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka HirShabeelle iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee HirShabeelle.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri “ Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka 2aad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka 2aad ee Hirshabeelle.

Qoraalkan ayaa ahaa mid laga filayey wasiirka arrimaha gudaha ee cusub ee Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax, sababtoo ah sababaha uu xilkan ku helay ayaa waxaa ka mid aha heshiis dhex maray ugaaska beesha uu kasoo jeedo ee Xawaadle iyo madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ugaaska ku taageeray hanaanka doorasho ee HirShabeelle, si xilkan loo siiyo Jeneral Mukhtaar.