Cabdikariin Qalbi-Dhagax iyo salaada Hargeysa xagee ayey iska qaban la’dahay?!!

Hiigsiga, Himilada iyo Yoolka Muwaadinka Somaaliyeed waa helitaanka xorriyad iyo ehelnimo lagu soo dhaweeyo Gobal iyo Deegaan kasta ee Soomaaliyeed.

Hargeysa waxaa lagu tilmaami jiray in ay ka run-sheegid badantahay Xamar, balse waayihii danbe waxa ay ka badisay Ciyaarta Turubka Siyaasada Xamar.

Hargeysa ayaa maalmahaan soo dhaweysay, martina gelisay Halgamaa Galbidhagax oo sanad ka hor Xamar u gacan-gelisay Rajiimkii hore ee Tegreega.

Soo dhaweynta iyo Casuumaadu waa arin mudan Ammaan iyo Bogaadin laakin waxaa isweydiin mudan:

1-Ma Halgan iyo Somaali Jaceel baa? Mise waa fariin Siyaasadeed oo ku socota Xamar? Mise Ictiraaf-doonkii ayaa la galay halkaas?

2-Ma Qalbidhagax ayaa ugu horeeya Muwaadin Soomaaleed oo lagu soo dhaweeyo Hargeysa oo ka baxsan reer Somaliland? Mise tegi karaa Soomaali kasta waqtiga uu rabo?

3-Maxaa Hargeysa loogu xiray Halgamayaasha; Abdimaalik Col-doon iyo Naciima Abwaan Qorane tegida Xamar? Hadiise Qalbidhagax uu berri Xamar tago isna Hargeysa ma xiraysaa?.

4-Imisa Halgame ONLF oo Qalbidhagax saaxibadiis ahaa ayey Hargeysa dhiibtay una gacan gelisey Rajiimkii Tigreega? Gormee iyana Hargeysa dib loogu soo dhaweyn-doonaa?

5-Haddii Barlamaanka iyo dadka Soomaaliyeed ee Xamar ka dhiidhiyeen dhiibistii Qalbidhagax lana xisaabtameen Xukuumada Xamar! Yaa kala xisaabtamaya xukuumada Hargeysa Halgamayaashii ay dhiibeen iyo kuwa maalin kasta lagu xirayo Hargeysa?

6-Haddii nidaamkii Tegreega ee dadka afduubi jiray, xiri jiray, ciqaabi jiray, caburin jiray; cadaalada lala tiigsanayo lana maxkamadeynayo! Kuwii caawin jiray ee Soomaalida ahaa yaa Maxkamadeynaya? Mise waa Tolka ayaa lagu difaacayaa?

7-Haddii Qalbidhagax iyo saaxibadii looga sii daayey Jeelashii Tegreega Halgankii walaalahood OROMO awgiis! In uu ka shaqeeyo Walaalnimada iyo Midnimada Somaaliya miyaa la gudboon? Si looga gudbo Somaali – Somaali kale dhiibaya, Jaajuusaya, kala qeybinaya! Mise waa leey dhiibay ayuu kaar Siyaasadeed ka dhiganayaa???

W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)