Go’aankii Bankiga Aduunka oo muujiyey laba qodob oo dowlada Farmaajo ay kaga duwan tahay kuwii hore

Dowladda Soomaaliya waxaa uga soo hooyatay guul la taaban karo dhinaca dhaqaalaha iyada oo horumar ballaaran ka sameysay, taas waxaa caddeyn u noqotay tallaabadii uu Bangiga aduunka u bilaabay in uu Soommaaliya dib u siiyo deeq.

Sida uu Bangiga shaaciyey waxa ay Soomaaliya deeq ahaan u siiyeen $80m oo loo kala qaaday $60m oo loogu talagalay dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya, halka $20m loo qoondeeyey xoojinta awoodda dakhliga Soomaaliya. Hadaba, maxay tallaabadaas ka dhigan tahay?

Go’aanka uu Bangiga qaatay waxa uu noqday mid sare u qaada niyadda Xukumadda Soomaaliya oo dhawaanba dagaal kula jirtay musuq maasuqa oo loo xiray mas’uuliyiin badan halka qaar kale looga eryey shaqadii.

Taas waxa ay muujineysaa in laba melba horumar la taaban karo ay Xukumadda ka sameeysay sida

1 –  In la dagaalanka musuq maasuqa oo ay dowladda ka tahay daacad

Arritnta waxaa xoojiyey aaminaadda deg deg ah ee Bangiga aduunka xilli sidoo kale IMF-tu ay dowladda ku ammaantay horumarada dhinaca maaliyadda iyo daahfurnaanta la’isku haleyn karo. IMF iyo Bankiga Adduunka lacag ma daymiyaan mana siiyaan dowladaha dunida illaa ay kala yimaadaan caddeymo muujinya in habkooda maaliyadeed yahay mid ka caafimaad qaba musuq-maasuqa hoggaanka dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaallo arrintan ku aadan wadday sanad ka badan, waxaana ay xubno badan u qabatay una xirtay kiisas musuq-maasuq. Waxaa cad in caalamka ku qanacsan yahay dagaalka dowladda ee musuq-maasuqa iyo madaxda sare aysan ku lug lahayn.

2 – In dowladda hagaajisay nidaamkii maaliyadda Soomaaliya

Dowladda waxa ay uga dhigan tahay go’aanka Bankiga aduunka in ay guul ka gaadhay yoolkii ay ka lahayd hagaajinta nidaamka maaliyadeed oo kahor inta aysan xukunka qaban ahaa mid maalin cad la dhaco aadna u liitay. Xulashadii Bayle ayaa Iyana noqotay mid qeyb weyn ka qaadatay hagaajinta nidaamka dhaqaale maadama wasiirka Maaliyadda yahay shaqsi aqoon durugsan u leh dhinacaas una muuqda mid ay ka go’an tahay dhisidda haykal dhaqaale oo qeyb weyn ka ciyaara hore usocodka dalka. Qodobkan iyo midka koowaadba waxay muujinayaan inay yihiin laba arrin oo dowladda madaxweyne Farmaajo kaga duwan tahay dowladihii ka horeeyey.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid