Yuusuf Garaad oo qoraal cajiib ah ka sameeyey falkii lagu gubay Axmed Dowlo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa si kulul uga hadlay falkii bahalnimada ahaa ee toddobaadkii hore qaab cunsurinimo ah loogu gubay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabay Axmed Dowlo.

Yuusuf Garaad oo arrintaas ka hadlaya ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray dhigaalkan hoose.

“Mas’uul iyo Muwaaddin kasta oo Soomaali ah oo daneynaya in Soomaaliya ay hesho nabad waarta iyo caddaalad sugan, kuna tallaabsato horumar muuqda waa in uu u dhabba galaa waxna ka qabtaa ama ugu yaraan uu ka yiraahdaa dilka Allah ha u naxariistee Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed – Dowlo).

Waxaa la ii sheegay in Axmed nolosha lagu gubay xaafadda Towfiiq, Degmada Yaaqshiid, caasmiaddeenna Muqdisho Kahmiis ay bishan September ahayd 20, sannadkan 2018.

Muwaaddin Axmed waxaa lagu dilay maxaad u noqotay qabiilka aad tahay! Ma isagaa doortay oo ku biiray mise Allah ayaa ka beeray? Si kale haddii aan u dhigo waxaa lagu dilay, maxaa aabbahaa kuu dhalay!

In qarnigan muwaaddin Soomaali ah ay Soomaali kale nolosha ku gubto, isla markaana aan Dowladda iyo shacabkuba aanay aad uga gilgilan oo kaalinta kaga aaddan ka soo bixin si aan lala daahin, waxay diri kartaa farriin gurracan, waxayna dib noogu celineysaa casri jaahiligii ka horreeyay diinteenna.

Anigu si adag ayaan u cambaareynayaa falkaas ciddi geysatay iyo cid kasta oo ka raalli ah. Madaxdeydana waxaan ka dalbayaa in ay baaritaan iyo xaqiijin ka dib ay sugaan caddaaladda.”

Dihinaca kale hadalka Yusuf Garaad ayaa imaaneya xilli ay wali xiran yihiin qoyskii geystay falkaas halka dowladda Soomaaliya ay Hotel ay todobada ku qaataa dejisay labadii lamaane ee ay dhibta ka soo bilaabatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com