Cabdimalik Coldoon oo laga baaray Coronavirus, xili uu wajahayo halis caafimaad

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Hargeysa ee caasimada Somalilnad, ayaa sheegaya in Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon lagu sameeyay baaris la xiriirta cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus/COVID-19.

Wariye Coldoon ayaa maalmihii u dambeeyay lasoo warinayey in uu xaalad caafimaad oo halis ah ku wajahayo gudaha xabsiga uu ku xiran yahay, kadib markii lagu arkay calaamado lamid ah kuwa lagu aqoonsado cudurka Coronavirus.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Coldoon ayaa la ildarnaa qufac badan iyo cuno xanuun, midaasi oo sarre u qaaday shikiga la xiriira in Coldoon uu xabsiga ugu gudbay cudurka sida xawliga ah u faafaya ee Corona.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa goordhoweyd oo maanta ah ka qaaday Wariye Coldoon dheecanadiisa, si loo sheybaaro oo loo xaqiijiyo inuu qabo cudurka uu astaamihiisa leeyahay iyo inkale.

Inkasta oo aysan weli si rasmiya u cadeyn in uu qabo Coldoon cudurka Coronaha, hadda waxa laga deyrinayaa suurto-galnimada uu xabsiyada ku dhex faafi karo Coronavirus, maadama aysan jirin ka hortag iyo udiyaar garowga dhanka maxaabiista ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen Saraakiil ka tirsan xabsiyada Hargeysa.

Waxaana la filayaa in maalmo kadib la shaaciyo natiijada baaritaanka Cabdimaalik Muuse Coldoon, ee la xiriirta cudurka Coronavirus ee maanta laga qaaday sheybaarkiisa.