Kismaayo (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in xukunka Axmed Madoobe ee Jubaland ay soo geba-gebeyn karto loolan adag oo kaga imanaya Cabdinaasir Seeraar iyo odayaasha beeshiisa.
Wargeyska ayaa qoray in Seeraar, oo horey ugala tirsanaa Axmed Madoobe jabhaddii Raaskambooni, uu wado olole xooggan oo xukunka looga tuurayo Axmed Madoobe.
Warbixinta ayaa sheegtay in Seeraar oo haysta maleeshiyo ku dhow kun askari uu isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe iyo ciidankiisa haysta Jubaland.
Seeraar ayaa sidoo kale qaaday tallaabo ka dhan ah Axmed Madoobe, isaga oo ciidamadiisa ku difaacaya musharraxiinta kale ee Jubaland ee Axmed Madoobe uu ku beegsanayo Kismaayo, kuwaas oo uu ilaalo siiyey.
Seeraar ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu iska indha tirayo sharciga, uu cajuub ku hayay shacabka, islamarkaana uu arbushayo ciidamada qaranka Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa wajahaya saddex musharax oo kasoo jeeda beesha Cawlyahan ee Ogaadeen, oo kala ah Seeraar, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo Maxamed Daahir Marsheeye, oo horey ula shaqeyey hay’adda QM ee FAO.
Seeraar ayaa la sheegay in sidoo kale uu taageero ka haysto qaar badan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Ogaadeen, gaar ahaa beesha Cawlyahan ee ku badan Waqooyi Bari Kenya.
Axmed Madoobe oo u diyaar ah inuu xukunka mar kale kula wareego doorasho uu isaga maamulayo, iyo Seeraar oo ay ka go’an tahay inuu awood kaga hortago, ayaa Kismaayo qarka u saareysay dagaal soekeeye.
Halkaan ka daawo ciidamo tiro badan oo weerar ku ah Kismaayo
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

