Cabdiqaybdiid oo kala diray wasiirada

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kala diray golaha wasiiraddda maamulkiisa markii uu ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo in ay ka gaabiyeen howshii loo igmaday.

Cabdiqaydiid oo saxaafadda kula ahdlay xafiiskiisa ayaa sheegay in golaha wasiiradda maamulka Galmudug la kala diray dhawaan uu soo magacaabi doono golle wasiiro oo cusub.

Wuxuu sheegay golihii wasiiradda horrey in ay ku guul dareesteen in ay wax qabtaan siddaas darteedna ay danta keentay in dhammaan la kala diro.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay wacad ku maray in uu soo dhisi doono golle wasiiro ah oo wax qabad la yimaada.

Ilaa hadda ma cadda wax yaabaha ku dhaliyay Cabdiqaybdiid in uu kala diro golaha wasiiradda maamulkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com