Turkish Airlines oo tageysa Hargeysa

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan Gaadiidka cirka iyo Duullimaadka Rayidka, Mohamoud Ahmed Hashi oo haatan booqasho ku jooga caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa kulamo la leh Madaxda Sare ee Shirkaddaha Diyaaradaha ee Turkish Airlines.

Labada dhinac ayaa ka wada xaajooday sidii ay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines u bilaabi lahaayeen duullimaadyo ay ku tagaan Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal Airport ee magaalladda Hargeysa.

Wasiirka Somaliland waxa kaloo uu la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Turkish Airlines, Dr. Temel Ikotil oo ay ka wada-xaajoodeen sidii ay Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlinesu bilaabi lahaayeen Duullimaadyo ay ku tagaan magaalladda Hargeysa.

turkish hargeysaShirkadda Turkish Airlines ayaa lagu wadaa inay Duullimaadkeeda ugu horreeyo ku tagaan Hargeysa bisha June ee sannadkan 2014-kii.

Dhinaca kale, Wasiirka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan Gaadiidka cirka iyo Duullimaadka Rayidka, Mohamoud Ahmed Hashi waxa uu la kulmay dhigiisa dalka Turkiga, Lutti Elvin oo ay ka wada xaajoodeen arrimaha Maamulka iyo Kontoroolka Hawada Somalia oo ay haatan Dowladda Federalka maamusho.

Wasiirka Maamulka Somaliland, waxa uu Dowladda Turkiga ka dalbaday inay gacxan ka geystaan wada-xaajoodka u socda Dowladda Somalia iyo Maamulka Somalia oo ku saabsan dhinaca Maamulista Hawada Sare ee Somalia iyo inay Dowladda Turkiga gacan ka geystaan sidii loo casriyeyn lahaa Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha Cigaal ee magaalladda Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com