Qarax xooggan oo ka dhacay KENYA

Dhadhaab (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa habeenkii xaley ka dhacay xerada qoxootiga IFO ee gobalka waqooyi-bari Kenya.

Qaraxa ayaa la shegeay in uu ka dhacay dhabarka dambe xafiiska hey’adda UNHCR ee IFO, mana jirto cid ilaa hadda wax ku noqday balse goobjoogayaal ayaa leh waxaa la la’yahay lix qof oo ka mid ahaa dadkii dhisayay dhismo ku yaalla goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray waxaana ay baadi goob ugu jiraan dadka maqan.

Waa qarixii labaad oo muddo toddobaad ah ka dhaca xerada qoxootiga adduunka ugu weyn ee Dhadhahaab labo habeen ka hor ayaa qarax xooggan uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Dhadhaab ee gobalka Waqooyi bari Kenya.

Garoonka ayaa la sheegay in ay adeegsadaan hey’addaha gargaarka ee yimaada xerada qoxootiga dalka Kenya.

Kenya waa yahan waxa ay daris la ahayd qaraxyo isla toddobaadkii horre ayaa qaraxyo ay ka dhaceen xaafadda Islii ee Nairobi, waxaana xigtay raaf ballaaran oo lagu qaaday Soomaalida ku dhaqan xaafaddaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com