Wasiiro lagu kordhiyay 6-da gobal

Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweyne ku-xigeenka maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed Maxamuud Sayid Aadan ayaa caawa sheegay in la magacaabay wasiiro kale oo ka tirsan maamulkooda.

Isagoo u warramayay Idaacad maxali ah oo ku taalla Muqdisho ayuu sheegay in 30 wasiir oo cusub lagu daray maamulka koonfur galbeed sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay wasiiradda la magacaabay in ay ahaayeen kuwii labaad isagoona intaas ku daray in qayb kale ay dhimman yihiin.

Waxaa la weydiiyay in maamulkooda uu sabab u ahaa rabshado ka dhacay Baydhabo, wuuxu yiri maamulka lixda gobal waxaa dhistay dadka ku dhaqan gobaladaas kuwaasoo muddo sannad ah maalgalinayay shirkaas oo aaney jirin cid wax ku deegtay beesha caalamka ama dowladda Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in maamul kasta oo la dhiso uu ku socon karo uun rabitaanka shacabka cidda ay diiddan uu yahay mid la diidday.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda dhexe ka codsaday in ay taageerto maamulkooda oo dhawaan si rasmi ah loo soo dhammeestiri doono.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan labo maamul gobaleed oo mid uu yahay lix gobal midka kalena uu yahay seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com